Ra’iisul Wasaare Xamsa oo hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Maajo

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da Maajo.

 

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku ammaanay shaqaalaha Soomaaliyeed doorkooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin dhismaha dalka, horumarinta dhaqaalaha, iyo xoojinta adeegyada bulshada, isagoo xusay in shaqaaluhu yihiin laf-dhabarta kobaca iyo adkeysiga Qaranka.

“Waxaad laf-dhabar u tihiin amniga, dhaqaalaha iyo dhismaha Qaran kaabeyaal horumarsan oo casri ah leh. Si walba oo duruufaha ay u adkaayeen, maanta waxaad u jihaysateen in aad qayb ka noqotaan horumarka muuqda ee dalkeenna. Sidaas darteed waxaan idiin rajeynayaa in aad sii xoojisaan dadaalka iyo naf-hurrnimada aad waddaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay Xukuumaddu uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo horumarinta xirfadaha shaqo si loo helo shaqaale tayo leh oo la jaanqaadi kara baahiyaha casriga ah.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku boorriyay shaqaalaha Soomaaliyeed inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, isagoo u rajeeyay guul, barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here