Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay Markab Shidaal oo marayay Marinka Gacanka Cadmeed

0

GACANKA CADMEED – Wararka naga soo gaaraya dalka Yemen iyo marinada caalamiga ah ee maraakiibta ayaa xaqiijinaya in koox burcad-badeed Soomaali ah ay afduubteen markab shidaal oo lagu magacaabo MT Eureka, xilli uu marayay Gacanka Cadmeed.

 

Arrintan ayaa calaamad u ah soo laabashada khatarta burcad-badeedda ee mid ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan ganacsiga adduunka.

Markabka MT Eureka, oo ku socday calanka dalka Togo, ayaa waxaa weeraray koox hubeysan xilli uu marayay agagaarka dekadda Qana ee dalka Yemen, abaare 5:00 subaxnimo ee xilliga Afrika (CAT).

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah, kooxda afduubka geysatay ayaa markabka u jiheeyay dhanka xeebaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu ku xidho biyaha Soomaaliya.

Weerarkan ayaa ka dhacay Gacanka Cadmeed, oo ah marin muhiim ah oo u dhexeeya dalalka Yemen iyo Soomaaliya. Goobtan ayaa muddo dheer caan ku ahayd khatarta burcad-badeednimada, inkastoo sanadihii dambe ay xasillooni ka jirtay.

Waa markabkii labaad ee shidaal oo muddo toddobaad gudihiis ah lagu afduubto aaggan. Taariikhdu markay ahayd 22-kii Abriil, burcad-badeed Soomaali ah ayaa qabsaday markab kale oo lagu magacaabo Honor 25, kaas oo siday 18,500 oo foosto oo shidaal ah, kuna sii jeeday magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda, ma jirto hadal rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka ee heer caalami iyo kuwa gobolka oo ku saabsan tallaabada laga qaadayo markabkan cusub ee gacanta u galay burcad-badeedda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here