Muqdisho – Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay inay diyaar u yihiin inay dhigaan bannaanbax ballaaran oo la qorsheynayo 10-ka May, kaas oo ay uga cabanayaan barakicinta ay dowladda ka waddo xaafado iyo degmooyin ka tirsan caasimadda Muqdisho.
Dadka hadlay oo la hadlay shabelle TV ayaa sheegay in qoysas badan laga saaray guryahooda, iyagoo aan helin meel kale oo ay degaan, taasoo sii kordhisay duruufaha nololeed ee adag ee ka jira magaalada. Waxay tilmaameen in arrintan ay saameyn weyn ku yeelatay dadka danyarta.
Shacabka ayaa sidoo kale ka digay in haddii la gaaro 15-ka May, oo ku eg muddada xilka madaxweynaha, ay si weyn uga hortagi doonaan wax kasta oo la xiriira muddo kororsi ay dowladda sameyso. Waxay carrabka ku adkeeyeen in bannaanbaxoodu uu noqon doono mid nabadeed, balse ay doonayaan in codkooda si cad loo maqlo.
Qaar ka mid ah odayaasha iyo dhalinyarada magaalada ayaa ugu baaqay dowladda inay dib u eegto siyaasadaha la xiriira barakicinta, isla markaana ay hubiso in la ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta iyo dadka maatada ah.
DAAWO.



