Safiirka Soomaaliya ee Tunisia oo Gudbiyay Nuqulka Waraaqaha Aqoonsiga Danjirenimo

0

TUNIS – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Algeria, ahna Safiirka aan deggeneyn ee Tunisia, Danjire Yusuf Axmed Xasan, ayaa si rasmi ah nuqulka waraaqaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tunisia.

 

Nuqulka waraaqaha aqoonsiga ayaa waxaa guddoomay Wasiirka Arrimaha Dibadda Tunisia Mohamed Ali Nafti, xilli munaasabadda ay ka dhacday xarunta dhexe ee wasaaradda arrimaha dibadda ee magaalada Tunis.

Kulanka ayaa ku qabsoomay jawi diirran iyo soo dhoweyn rasmi ah, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga u dhexeeya Somalia iyo Tunisia.

Mas’uuliyiinta labada dal ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, dhaqaalaha, xoolaha, beeraha iyo amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here