Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay qorshe lagu dib-u-dejinayo qoysaskii laga barakiciyay magaalada Muqdisho, iyadoo sheegtay inay dhisi doonto guryo ay degi doonaan ku dhawaad 12,000 oo qoys.
Qorshahan ayaa yimid kadib cabashooyin xooggan oo ka dhashay burburinta guryo iyo barakicinta shacabka ku noolaa qaar kamid ah xaafadaha iyo degmooyinka magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa sheegay in wasaaraddu ay waddo qorshe ballaaran oo lagu dhisayo guryo loogu talagalay shacabka ay saameeyeen howlaha burburinta.
Wasiirka ayaa xusay in guryaha cusub ay beddel u noqon doonaan kuwii dowladda ay horay u dumisay, isagoo tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay inay xal waara u hesho dadka barakacay.
DAAWO.



