Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta oo loo Dhaariyay Xilka

0

Muqdisho, Soomaaliya – Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, kaas oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

 

Ajendaha kulanka ayaa ahaa dhaarinta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka, Garsoore Cabdiqafaar Xuseen Isaaq oo ka socday Maxkamadda Sare ee Soomaaliya isla markaana wakiil ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, ayaa dhaariyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdifitaax Qaasim Maxamuud.

Munaasabadda dhaarinta ayaa qeyb ka ah howlaha dastuuriga ah ee lagu xaqiijinayo la wareegidda xilalka dowladda, iyadoo masuuliyiinta cusub laga filayo inay sii xoojiyaan howlaha wasaaradda iyo adeegyada ay u hayso shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here