Ra’iisul Wasaaraha Xamze oo Kulan la Qaatay Waxgaradka Gobolka Mudug

0

Muqdisho, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta dowladeed ee kasoo jeeda gobolka Mudug.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta horumarka dalka, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu dhageystay talooyin iyo aragtiyo ay soo jeediyeen qeybaha kala duwan ee bulshada kasoo jeeda gobolka Mudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee ay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradku ku leeyihiin ilaalinta nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xal u helidda khilaafaadka bulshada dhexdeeda ka jira. Waxa uu sidoo kale adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay taageeridda dadaallada nabadeed ee lagu xoojinayo wada noolaanshaha shacabka Soomaaliyeed.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan dowladnimada Soomaaliya iyo hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka socda guud ahaan gobollada dalka. Waxay sidoo kale soo bandhigeen baahiyaha iyo duruufaha bulshada ku nool gobolka Mudug ee u baahan in wax laga qabto.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku boorriyay qeybaha bulshada inay ka shaqeeyaan nabadda gobolka Mudug iyo sidii si degdeg ah loo qaboojin lahaa colaadaha u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee deegaanka wadaaga gobolkaasi.

Ugu dambeyn, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa ballanqaaday inay doorkooda ka qaadan doonaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, wada noolaanshaha iyo horumarka gobolka Mudug.May be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here