Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Duulay Uganda si uu uga Qaybgalo Caleemo-saarka Museveni

0
MUQDISHO — Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa u safray magaalada Kampala ee dalka Uganda si uu uga qaybgalo caleemo-saarka Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, oo lagu wado inuu qabsoomo Talaadada, 12-ka May 2026.

Museveni ayaa markii toddobaad loo caleemo-saarayaa xilka madaxtinimada Uganda, kaddib markii dhowaan mar kale loo dhaariyay hoggaanka dalkaas. Hoggaamiyeyaal kala duwan oo ka socda dalalka xiriirka la leh Uganda ayaa maalmahan ku sii qulqulayay Kampala si ay uga qaybgalaan munaasabadda.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imanaya labo maalmood kaddib markii uu kasoo qaybgalay caleemo-saarkii Madaxweynaha Djibouti, Ismail Omar Guelleh, oo markii lixaad dib loogu doortay xilka madaxtinimada, isagoo helay in ka badan 97 boqolkiiba codadka doorashada.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ciidamada ugu badan ku leh Soomaaliya, iyadoo kumannaan askari oo Uganda ah ay ka howlgalaan howlgalka Midowga Afrika ee taageera amniga Soomaaliya.

Ciidamada Uganda ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee la geeyo Soomaaliya sanadkii 2007, iyagoo qeyb ka noqday dadaallada lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab iyo taageeridda dowladda federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here