Soomaaliya – Imaaraadka Carabta ayaa dhaleeceeyay afduubka markab shidaal siday oo ay saarnaayeen badmaaxiin Masaari ah, kuwaas oo laga afduubtay iyaga oo maraya xeebaha Yemen, kadibna loo jiiday badda Soomaaliya.
Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dhacdadani ay “khatar toos ah ku tahay amniga badda iyo badqabka waddooyinka ganacsiga caalamiga ah,” sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas.
Bayaan ay soo saartay wasaaraddu waxay ku muujisay “isbahaysi buuxa” oo ay Imaaraadku la leeyihiin Masar iyo qoysaska badmaaxiinta la afduubtay, iyagoo taageeraya dadaallada lagu xaqiijinayo ammaankooda iyo siideyntooda.
Wasaaraddu waxay sidoo kale ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo in la xoojiyo dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo budhcad-badeedda iyo dembiyada abaabulan ee marinnada muhiimka ah ee badaha, iyadoo ammaanka badaha ku tilmaantay tiir muhiim u ah xasilloonida dhaqaalaha iyo ganacsiga caalamiga ah.
Imaaraadku waxa uu mar kale ku baaqay iskaashi xooggan oo heer gobol iyo caalami ah si loo ilaaliyo maraakiibta ganacsiga, shaqaalaha badda, iyo ammaanka marinnada caalamiga ah.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto wararka sheegaya in markabka shidaalka ee M/T Eureka, oo ku safrayay calanka Togo, la afduubay ka dib markii uu ka baxay biyaha Yemen, laguna qasbay inuu u dhaqaaqo xeebaha maamulka Puntland ee Soomaaliya, iyadoo ay saarnaayeen 8 badmaax oo Masaari ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badr Abdelatty ayaa faray safaaradda Masar ee Muqdisho inay si dhow ula socoto xaaladda isla markaana ay taageerto shaqaalaha markabka.
Masar ayaa sidoo kale xoojisay xiriirka ay la leedahay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed si loo sii daayo badmaaxiinta loona xaqiijiyo ammaankooda.
Sida ay sheegeen ehelada shaqaalaha la afduubay, markabkan oo ay maamulayso shirkad fadhigeedu yahay Sharjah, ayaa ka baxay Fujairah ee Imaaraadka, isagoo ku sii jeeday Yemen, ka hor inta aanay budhcad-badeeddu la wareegin 2-dii bishan, kadibna lagu qasbay inuu u leexdo xeebaha Soomaaliya.
Ehelada qaar ayaa sheegay in afduubayaashu ay dalbadeen lacag madaxfurasho ah oo gaaraysa 3.5 milyan oo dollar si loo sii daayo shaqaalaha, iyagoo sidoo kale ku hanjabay in ay dili doonaan haddii wada hadalladu fashilmaan.
Qoysaska badmaaxiinta ayaa si degdeg ah ugu baaqay dowladda Masar iyo hay’adaha caalamiga ah inay ka shaqeeyaan badbaadinta shaqaalaha iyo cadaadis lagu saaro milkiilaha markabka si loo dardargeliyo dadaallada lagu sii deynayo.
Warbixinnada la helay ayaa sidoo kale muujinaya in shaqaalaha markabka ay ku jiraan badmaaxiin u kala dhashay dalal kala duwan, iyadoo xaaladda lagu tilmaamay mid halis ah.
Dhacdadan ayaa dib u soo celisay walaaca laga qabo ammaanka Gacanka Cadmeed iyo galbeedka Badweynta Hindiya, halkaas oo budhcad-badeednimadu ay sare u kacday dabayaaqadii 2000-meeyadii ka hor inta aan la xoojin ilaalinta caalamiga ah.
Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha amniga badaha ayaa ka digaya suurtagalnimada in ay dib u soo cusboonaato falalka budhcad-badeedda, iyadoo ay jirto xasillooni darro gobolka ka jirta iyo xiisadaha socda ee saameynaya marinnada ganacsiga.
Gacanka Cadmeed iyo biyaha ku dhow ayaa weli ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee ganacsiga caalamiga ah, kuwaas oo muhiim u ah isku xirka Badda Cas, Kanaalka Suweys, iyo Badweynta Hindiya.




