Soomaaliya iyo Algeria oo Xoojinaya Iskaashiga Amniga iyo La Dagaallanka Argagixisada

0

ALGIERS – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Ali Yusuf Ali Hosh, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Algeria, ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa Algeria Said Sayoud si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

 

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Guud ee Amniga Qaranka Algeria, Badaawi, safiirka cusub ee Algeria usoo magacowday Soomaaliya Danjire Maxamed Calim, iyo safiirka Soomaaliya ee Algeria Yusuf Ahmed Hassan.

Wada hadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dib-u-heshiisiinta, xasilloonida, dowlad-dhiska heer deegaan iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Labada dhinac ayaa mar kale adkeeyay xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Algeria, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay kor u qaadista iskaashiga iyo is-weydaarsiga khibradaha si loo taageero nabadda iyo xasilloonida gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here