Jowhar – Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle H.E Cali Cabdullahi Xuseeen Guudlaawe iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Aden ayaa si wadajir ah u furey Shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka, kaas oo muhiimad weyn u leh horumarinta adeegyada caafimaadka dalka iyo xoojinta wada shaqeynta Wasaaradaha Caafimaadka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
Shirka waxaa kasoo qeyb galey Wasiirada Caafimaadka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Saadaq Maxamed, Wasiirka Caafimaafka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Dr. Saciid Axmed Cali, Wasiirka Caafimaadka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Dr. Aadan Jaamac, Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan, qaar ka mid ah Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada dalka, Agaasime Waaxeedyo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, iyo khubaro caafimaad oo door muhiim ah ka qaadanaya horumarinta adeegyada caafimaadka Soomaaliya.
Shirkan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saari doonaa horumarinta adeegyada caafimaadka dalka, xoojinta wada shaqeynta Wasaaradaha Caafimaadka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, tayeynta adeegyada caafimaadka bulshada, dardargelinta qorshayaasha caafimaadka qaranka, iyo sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo tayo leh isla markaana loo siman yahay.
Sidoo kale, inta uu shirku socdo waxaa lagu lafaguri doonaa caqabadaha ka jira caafimaadka dalka, qorsheyaasha cusub ee lagu horumarinayo adeegyada aas-aasiga ah, xoojinta adeegyada hooyada iyo dhallaanka, kor u qaadista tayada xarumaha caafimaadka, tababarrada shaqaalaha caafimaadka, iyo sidii loo abuuri lahaa nidaam caafimaad oo waara kana jawaabi kara baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.
Ahmiyadda shirkan ayaa ah mid laf-dhabar u noqon karta mideynta qorshayaasha caafimaadka dalka iyo kor u qaadista wada shaqeynta hay’adaha caafimaadka ee heerarka kala duwan. Shirku wuxuu sidoo kale muhiim u yahay sidii loo gaari lahaa go’aanno mideysan oo lagu xallinayo caqabadaha caafimaad ee dalka, kor loogu qaadi lahaa adeegyada caafimaadka guud, loona xaqiijin lahaa in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyo caafimaad oo hufan, tayo leh, isla markaana gaara dhammaan shacabka.
Masuuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa inay shirkan kasoo saaraan go’aanno iyo talooyin muhiim u noqon doona horumarka caafimaadka dalka, tayeynta adeegyada loo fidiyo bulshada Soomaaliyeed, iyo xoojinta qorshayaasha wadajirka ah ee lagu horumarinayo caafimaadka qaranka.




