Muqdisho – Shirkii u dhexeeyay mucaaradka iyo Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud garwadeena ay ka ahaayeen wakiilada beesha caalamka ee ku sugan xeen daabka Xalane ayaa kusoo idlaaday iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin, kadib dood dheer oo dhexmartay dhinacyada.
Shirka oo ay garwadeen ka ahaayeen wakiillo ka socday beesha caalamka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka dalka, balse waxaa lagu kala tegay natiijo la’aan.
Wararka ayaa sheegaya in beesha caalamku ay si ku-meel-gaar ah uga baxday madasha shirka, kadib markii ay sii adkaatay doodda ku saabsan nooca doorasho ee Soomaaliya u gudbi doonto.
Dhinacyada mucaaradka iyo dowladda federaalka ayaa weli isku khilaafsan qodobo muhiim ah oo la xiriira nidaamka doorashada, iyadoo mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn uu yahay sida loo maamuli doono doorashooyinka soo socda.
Shirka ayaa la filayaa in dib loo sii ambaqaado galabta, iyadoo la rajeynayo in laga gaaro is-faham ka qayb qaata xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee dalka.




