Muqdisho — Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) Taliyaha Hay’adda, Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta kulan amni iyo wadatashi ah ku qabtay Degmada Gubadley, kaas oo ay ka qeyb galeen Imaamyo, odayaal dhaqameed, xubno bulshada rayidka ah, saraakiisha amniga iyo masuuliyiinta maamulka degmada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga, dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka iyo bulshada, iyo sidii si wadajir ah looga hortagi lahaa falalka amni-darrada ah iyo khataraha Khawaarijta.
Taliyaha NISA, Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa sheegay in amniga dalka uu yahay mudnaanta koowaad, isagoo shacabka ku boorriyay inay garab buuxa siiyaan ciidamada ammaanka si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni guud.
Dhankooda, qeybaha kala duwan ee bulshada ka qeyb galay kulanka ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda ee sugidda amniga, iyagoo ballanqaaday inay sii xoojin doonaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha ammaanka iyo taageerada howlaha dowlad-dhiska.





