BUURHAKABO, BAY — Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed, Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo, halkaas oo ay ka jiraan xaalado bani’aadannimo oo deg-deg ah.
Wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdinaasir Cabdi Caruush, Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Isku-duwaha Gargaarka Bini’aadannimada, George Conway, iyo wakiillo ka socday hay’adaha gargaarka.
Intii ay ku sugnaayeen magaalada, wafdiga ayaa daahfuray gargaar bani’aadannimo oo loogu talagalay 2,500 oo qoys oo nugul, kaas oo ay si wadajir ah u fulinayaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed iyo dowladda Shiinaha.
Wafdiga ayaa sidoo kale kulan la yeeshay hay’adaha gargaarka ee ka howlgala deegaanka, iyagoo kormeer ku tagay xeryaha barakacayaasha iyo isbitaalka weyn ee magaalada, halkaas oo ay ku arkeen xaaladaha adag ee dhanka nolosha iyo caafimaadka ah ee ay wajahayaan shacabka deegaanka.
Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed, Cabdinaasir Cabdi Caruush, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan SoDMA iyo dowladda Shiinaha, uga mahadceliyay gurmadka deg-degga ah ee la gaarsiiyay shacabka reer Buurhakabo.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in degmada Buurhakabo mudnaan gaar ah loo siiyay gurmadka bani’aadannimo maadaama ay kamid tahay meelaha ugu daran ee ay saameeyeen xaaladaha adag ee ka jira dalka.





