Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhaliilay muddo kordhinta dowladda

0

Muqdisho — Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan xubnaha mucaaradka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si sharci darro ah ugu sii joogo Villa Soomaaliya, kaddib markii, sida uu sheegay, muddo xileedka dowladda uu dhammaaday.

 

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay dowladda inay sameysatay muddo kordhin hal sano ah, isagoo sheegay in Madaxweynaha uu shan habeen ku sugnaa Villa Soomaaliya isagoo aan haysan sharciyad buuxda oo muddo xileed ah.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda iyo saamileyda siyaasadda dalka inay si degdeg ah uga wada hadlaan arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka kala guurka siyaasadeed si looga fogaado xiisado siyaasadeed.

DAAWO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here