Kampala – Dowladda Uganda ayaa hakisay dhammaan isu socodkii u dhexeeyay iyada iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), kadib cabsi laga qabo faafitaanka cudurka Ebola ee ka dillaacay bariga Congo.
Cudurka qandhada dhiigbaxa ee Ebola ayaa todobaadkii hore laga xaqiijiyay gobolka Ituri ee bariga DRC, oo ku dhow xadka Uganda. Dowladda Uganda ayaa sheegtay in tallaabadan loo qaaday si loo yareeyo halista fayrasku ugu gudbo gudaha dalka.
Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Caafimaadka Uganda, Diana Atwine, ayaa sheegtay in xiriirka dhow ee xuduudaha labada dal uu sare u qaadayo khatarta cudurka.
“Marka la eego u dhawaanshaha Uganda ee goobaha uu cudurku ka jiro iyo isu socodka badan ee xuduudaha, khatarta faafitaanka ayaa weli sareysa,” ayay tiri Diana Atwine.
Tirada ay baahisay Machadka Qaranka ee Caafimaadka Dadweynaha DRC ayaa muujinaysa in fayrasku laga yaabo inuu sababay dhimashada ku dhawaad 160 qof, halka in ka badan 671 xaaladood oo looga shakisan yahay Ebola la diiwaangeliyay.
Wasaaradda Caafimaadka Uganda ayaa sheegtay in muddo afar toddobaad ah la hakiyay dhammaan gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha xadka, oo ay ku jiraan basaska iyo doomaha, inkastoo la oggolaan doono gaadiidka xamuulka iyo cuntada.
Sidoo kale, duulimaadyadii u kala gooshi jiray Uganda iyo Congo ayaa si ku meel gaar ah loo joojiyay, iyadoo tallaabadan la filayo inay dhaqan gasho 48 saacadood gudahood.
Gudaha Uganda, dowladda ayaa bilowday xannibaado adag oo laga hirgelinayo goobaha halista sare leh, waxaana la mamnuucay suuqyada toddobaadlaha ah iyo isu imaatinnada waaweyn.
Uganda ayaa hore u sheegtay labo kiis oo looga shakiyay Ebola, kuwaas oo ay ku jireen muwaadiniin Congolese ah oo kasoo tallaabay xadka, balse baaritaanno dambe ayaa lagu xaqiijiyay inaysan qabin cudurka.
Dhanka kale, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo caafimaad oo caalami ah, iyadoo aan weli la helin tallaal ama dawo rasmi ah oo loogu talagalay nooca Bundibugyo ee fayraska Ebola ee hadda faafaya.


