Shabeellaha Hoose – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa duqeyn qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkaas ayaa lagu sheegay in lagu dilay 6 qof oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale lagu burburiyay hub iyo agabyo ay kooxdaasi adeegsanayeen.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay, isla markaana lagu gaarsiiyay kooxda khasaare xooggan.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in howlgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab loogana ciribtiro meelaha ay weli kaga sugan yihiin dalka.



