Muqdisho – Qaar ka mid ah nabadoonnada Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaareeyay xariga loo geystay dhalinyaro ka qeyb gashay banaanbaxyo looga soo horjeeday dowladda oo ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
Banaanbaxyada ayaa ka dhacay xaafado kala duwan oo caasimadda ah, waxaana la sheegay in ciidamada ammaanka ay xireen ku dhawaad 20 dhalinyaro ah oo kamid ahaa shacabka isugu soo baxay fagaarayaasha Muqdisho.
Nabadoon Xasan Cabdille Bulaale oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay dowladda iyo hay’adaha ammaanka inay si degdeg ah u sii daayaan dadka la xiray.
DAAWO.



