Taliyaha Booliska Soomaaliya oo Qaabilay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

0

Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryam Qaasim iyo wafdi ay hoggaaminayso.

 

Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maxamed Haaruun, Agaasimaha Guud Mustafe Axmed, iyo xubno kale oo ka tirsan komishinka guddiga.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Booliska iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda aadanaha, isla xisaabtanka, qabashada cabashooyinka, iyo kormeerka xabsiyada iyo goobaha dadka lagu hayo.

Labada dhinac ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyadoo la dhowrayo sharciga iyo xuquuqda aadanaha.May be an image of indoors and sliding doorMay be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here