Pretoria – Safiirka cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u magacawday Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Adam Issak, ayaa si rasmi ah u gaaray dalka Koonfur Afrika, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Soo dhaweynta safiirka waxaa ka qeyb galay Safiirka Ururka Jaamacadda Carabta, Safiirka Dowladda Suudaan u fadhiya Koonfur Afrika, Safiir Ku-xigeenka Safaaradda oo ah Kusimaha Safiirka, iyo masuul ka socday Waaxda Hab Maamuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika, iyadoo sidoo kale ay joogeen dhammaan diblomaasiyiinta safaaradda.
Mas’uuliyiintii ka qeyb galay soo dhaweynta ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Koonfur Afrika.
Safiirka cusub Mudane Adam Issak ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, isagoo sheegay inuu xoogga saari doono xoojinta xiriirka labada dal, daryeelka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika, iyo horumarinta howlaha safaaradda.




