Muqdisho — Qaar kamid ah dhallinyarada Gobolka Banaadir ayaa caawa banaanbax nabadeed ku qabtay fagaaraha Isgoyska Taleex ee degmada Hodan, kaas oo ay ugu magac dareen Codka Caasimadda, iyagoo muujinayay taageerada ay u hayaan dowladda, nabadda iyo xasilloonida dalka.
Dhallinyarada kasoo qeyb galay isu soo baxa ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay astaanta nabadda iyo mideynta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aysan aqbali doonin wax kasta oo qalqal gelin kara amniga iyo deganaanshaha caasimadda.
Banaanbaxayaasha ayaa sidoo kale farriimo wadaniyadeed u diray bulshada Soomaaliyeed, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dowladnimada, wadajirka ummadda iyo horumarka dalka.
Isu soo baxan nabadeed ayaa muujinayay doorka muuqda ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga jiraan taageerada nabadda, difaaca dowladnimada iyo horumarka guud ee Soomaaliya.
Dhanka kale, waxaa xusid mudan in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si weyn uga hortageyso abaabullada iyo dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka ee lagu tilmaamay kuwo abuuri kara kicin bulsho ama qalqal amni, xilli magaalada Muqdisho ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo abaabullo kala duwan oo ay wadaan dhinacyo mucaarad.





