Bali-doogle, Soomaaliya — Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu furay dufcadda 12-aad ee Kumaandooska Danab, kuwaasi oo lagu tababarayo dugsiga tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure ee Bali-doogle.
Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa ka qeyb galay Taliyaha Taliska Tababarrada iyo Doktariinka CXDS Janaraal Axmed Ciise Axmed, Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Korneyl Cabdicasiis Xuseen Maxamed, saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, madax ka socotay saaxiibada caalamiga ah, iyo saraakiil ka tirsan howlgalka taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSOM) iyo Ciidamada Uganda ee UPDF.
Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Korneyl Cabdicasiis Xuseen Maxamed, ayaa dufcadda cusub ku dhiirrigeliyay inay ka dhabeyaan hadafkooda, isaga oo tilmaamay in la siin doono tababaro heer sare ah oo sare u qaadaya awooddooda ciidanimo iyo xirfadaha dagaal.
Dhankiisa, Taliyaha Taliska Tababarrada iyo Doktariinka CXDS Janaraal Axmed Ciise Axmed ayaa sheegay in tababarkan uu qeyb ka yahay qorshaha lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo helo ciidan aqoon iyo karti leh oo si buuxda uga qeyb qaata sugidda amniga dalka.
Ugu dambeyn, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa si rasmi ah u furay tababarka dufcadda 12-aad ee Kumaandooska Danab, isagoo ku bogaadiyay dhalinyarada cusub go’aanka ay ku doorteen ku biirista Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo u adeegidda qaranka.





