Muqdisho — Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir, Macalin Mahdi, ayaa ka hadlay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho, isagoo digniin culus udiray hoggaanka mucaaradka.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanku si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada la xiriira amniga, isaga oo xusay in la ogyahay shaqsiyaadka iyo maleeshiyaadka lala xiriirinayo sida uu sheegay qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in hay’adaha ammaanku aysan aqbali doonin fal kasta oo khalkhal gelin kara amniga caasimadda Muqdisho, islamarkaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falal amni darro abuuri kara.
DAAWO.



