Wasiirka Amniga Soomaaliya Oo Ka Jawaabay Eedeymihii Mucaaradka Ee Hay’adaha Amniga

0

Muqdisho — Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa si adag uga jawaabay hadalladii dhawaan mucaaradka ay ku dhaliileen hay’adaha amniga dowladda.

 

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda aysan aqbali doonin cid kasta oo ku howlan, sida uu sheegay, suurad xumeynta Ciidanka Qaranka iyo qalqal gelinta amniga caasimadda Muqdisho.

“Suurad xumeynta Ciidanka Qaranka iyo qalqal gelinta amniga caasimadda cid aan ka yeeleyno malahan, kuwa arrintaas ku howlana waxay ku shaqeynayaan fikir meelo kale looga soo dhiibay,” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Wuxuu sidoo kale xusay in hay’adaha amniga ay u taagan yihiin ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku baaqay in laga fogaado falal iyo hadallo abuuri kara jahwareer amni ama qalalaase siyaasadeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay magaalada Muqdisho ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo hadallo isdhaafsi ah oo u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here