Sudan, Al Baraka — Ciidamada qalabka sida ee dalka Sudan ayaa ku dhowaaqay inay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Al Baraka oo dhaca duleedka magaalada Al Kurmuk ee gobolka Blue Nile (Niilka Buluuga ah), kaas oo u dhow xadka uu dalkaasi uu la leeyahay Itoobiya.
War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidanka Sudan ayaa lagu sheegay in guutada 4-aad ee ciidanka lugta iyo xoogagga taageeraya ay ku guuleysteen “horumar cusub oo dhanka dhulka ah” ka dib markii ay hawlgal milatari oo qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Al Baraka.
Warka ayaa intaas ku daray in ciidanka dawladdu ay halkaas ku jabiyeen xoogagga ka tirsan jabhadda (RSF) iyo xulafadooda ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Dadka Sudan-Waqooyi (SPLM-N). Sidoo kale, ciidanka ayaa sheegay inay burburiyeen, qaarkoodna ay la wareegeen gaadiid iyo agab ciidan oo ay lahaayeen kooxaha ka soo horjeeda, inkastoo aysan cayimin tirada rasmiga ah ee khasaaraha nafeed.
Ilaa hadda, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka jabhadda RSF oo ku saabsan sheegashada ciidanka dowladda.
Gobolka Blue Nile ayaa inta badan waxaa gacanta ku haya ciidamada dawladda Sudan, marka laga reebo deegaanno ay ka hawlgasho jabhadda SPLM-N oo tan iyo sannadkii 2011-kii dagaal kula jirtay dawladda, iyagoo dalbanaya madaxbannaani hoose oo ay yeeshaan gobollada Koonfurta Kordofan iyo Blue Nile.
Dalka Sudan ayaa wajahaya mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay bishii Abriil ee sannadkii 2023. Colaaddan ayaa ka dhalatay khilaaf u dhexeeyay hoggaanka ciidanka milatariga iyo dableyda RSF oo ku saabsanaa qorshaha RSF-ta lagu dhex-gelin lahaa ciidanka qaranka.
Dagaalkan labada sano ku dhowaad jirsaday ayaa sababay macaluul baahsan, dhimashada tobanaan kun oo qof, iyo barakaca malaayiin kale oo shacab ah.




