Rooble oo munaasabadda Ciidda Carafo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed

0

Muqdisho – Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed xuseen Rooble, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Adxaa u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka.

 

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisulwasaarihii hore ayaa Alle SWT uga baryay shacabka Soomaaliyeed nabad, barwaaqo iyo kheyr joogto ah, isagoo sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay isku garab istaagga bulshada, gaar ahaan danyarta, agoonta iyo dadka tabaaleysan, si ay farxadda Ciidda ula qeybsadaan bulshada inteeda kale.May be an image of text that says "Eid MUBARAK ROBLE ee FOR PRESIDENT ROBLE FOR PRESIDEN 2026 2026 CIID WANAAGSAN DHAMAAN SHACABKA SOOMAALIYEED IYO UMMADA ISLAAMKA"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here