Soomaaliya, Shabelle Dhexe – Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor, gaar ahaan Ururka 9-aad ee Guutadda 18-aad, ayaa maanta salaadda Ciidul Adxaa ku oogay deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabelle Dhexe, iyadoo munaasabadda ay ka qeyb galeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha Guutada 18-aad Qaybta 1-aad ee CXDS, Aadan Maxamed Faarax, ayaa kamid ahaa saraakiishii ciidamada kala qeyb gashay tukashada salaadda ciidda, isagoo ciidamada kula dardaarmay inay sii laba jibbaaraan doorkooda ku aaddan difaaca dalka iyo sugidda amniga shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Taliyaha ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa u diray geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutadda 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, kuwaasi oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka, la dagaallanka cadowga iyo sugidda amniga shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha ayaa ciidamada ku bogaadiyay naf-hurnimada iyo geesinimada ay u muujiyeen waajibaadka qaran ee saaran, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagaan ciidamada qaranka ee u taagan xoreynta iyo amniga dalka.




