Muqdisho – Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed xuseen Rooble, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Adxaa u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka.
“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa,” ayuu yiri Rooble.
Ra’iisulwasaarihii hore ayaa Alle SWT uga baryay shacabka Soomaaliyeed nabad, barwaaqo iyo kheyr joogto ah, isagoo sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay isku garab istaagga bulshada, gaar ahaan danyarta, agoonta iyo dadka tabaaleysan, si ay farxadda Ciidda ula qeybsadaan bulshada inteeda kale.




