Khartuum, Suudaan – Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa ku eedeysay Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) inay dileen ugu yaraan 27 qof oo rayid ah kadib weerar hubeysan oo lagu qaaday tuulooyin hoostaga deegaanka Al-Murra ee galbeedka magaalada Bara, gobolka Waqooyiga Kordofan.
Sida ay sheegtay shabakadda, weerarka ayaa dhacay maalintii Khamiista, oo ku beegnayd maalintii labaad ee munaasabadda Ciidul Adxaa. Dadka la dilay ayaa isugu jiray rayid iyo dad waayeel ah oo ku sugnaa deegaannada la weeraray, iyadoo aan la sheegin inay halkaasi ka jireen dagaallo ama joogitaan ciidan xilliga uu weerarku dhacay.
Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa cambaareysay weerarka, iyadoo ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo heshiisyada caalamiga ah ee lagu ilaaliyo dadka rayidka ah xilliyada colaadaha hubeysan.
Waxay sidoo kale ka digtay in weerarrada noocan oo kale ah ay sii kordhin karaan dhibaatada bini’aadantinimo ee dalka ka jirta, isla markaana ay sababi karaan barakac horleh oo ku yimaada shacabka deegaanka. Shabakaddu waxay ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu joojinayo weerarrada ka dhanka ah shacabka rayidka ah.
Suudaan ayaa tan iyo bishii Abriil 2023 wajahaysay dagaal u dhexeeya ciidanka qaranka iyo RSF, kaas oo sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale. Dagaalka ayaa sidoo kale horseeday burbur baahsan oo saameeyey adeegyada aasaasiga ah iyo xaaladda bini’aadantinimo ee dalka.
Wararka ayaa sheegaya in RSF ay weli maamusho inta badan gobollada Darfur, halka ciidanka dowladda uu gacanta ku hayo qaybo badan oo ka mid ah gobollada kale ee dalka, oo ay ku jirto caasimadda Khartuum.


