Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose ku Dilay Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab

0

Muqdisho, Soomaaliya – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku jiray horjooge sare oo kooxdaas ka tirsanaa.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu khaarajiyay horjooge lagu magacaabi jiray Abuu Cabdalla, kaas oo muddo dheer ku lug lahaa abaabulka iyo fulinta falal amni-darro oo lagu dhibaateynayay shacabka ku nool deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, horjoogahan ayaa door weyn ku lahaa qorsheynta iyo hagidda dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab ee gobolka, isagoo ka mid ahaa shaqsiyaadka muhiimka ah ee kooxda u qaabilsanaa abaabulka howlaha ay ka fulin jireen deegaannadaas.

Howlgalka ayaa sidoo kale lagu dilay waardiyihii gaarka ahaa ee horjoogaha, iyadoo ciidamada ay si guul leh u soo afjareen bartilmaameedkii ay ku beegsadeen xubnahan.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku beegsanayaan horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo wiiqo awooddooda loona fashiliyo qorshayaasha ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale xaqiijiyay in hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ay sii socon doonaan, iyadoo la xoojinayo dadaallada lagu sugayo amniga, xasilloonida iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.May be an image of text that says "Maajo, Dalka howlgal ay fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag gobolka Shabeellaha Hoose dilay laba xubnood tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas UU jiray horjooge sare. Howlgalka αγαα lagu khaarajiyay horjooge lagu magacaabi jiray Cabdalla, oo muddo dheer lug lahaa abaabulka iyo fulinta falalka ee lagu dhibaateynayay dadka deegaanka. door muuqda dhaqdhaqaaqyada Hoose. kale, ahaa. lahaa qorsheynta hagidda Howlgalkan guuleystay ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada Dalka horjoogeyaashaiy loona dhagarta Khawaarijta, shacabka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan hawlgallada κα dhanka sii socon doonaan, iyadoo adkeynayo dadaallada ciribtirayo kooxaha laguna sugayo amniga, xasilloonida badqabka shacabka Soomaaliyeed. >DHAMMAAD<"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here