Muqdisho, Soomaaliya – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku jiray horjooge sare oo kooxdaas ka tirsanaa.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu khaarajiyay horjooge lagu magacaabi jiray Abuu Cabdalla, kaas oo muddo dheer ku lug lahaa abaabulka iyo fulinta falal amni-darro oo lagu dhibaateynayay shacabka ku nool deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, horjoogahan ayaa door weyn ku lahaa qorsheynta iyo hagidda dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab ee gobolka, isagoo ka mid ahaa shaqsiyaadka muhiimka ah ee kooxda u qaabilsanaa abaabulka howlaha ay ka fulin jireen deegaannadaas.
Howlgalka ayaa sidoo kale lagu dilay waardiyihii gaarka ahaa ee horjoogaha, iyadoo ciidamada ay si guul leh u soo afjareen bartilmaameedkii ay ku beegsadeen xubnahan.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku beegsanayaan horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo wiiqo awooddooda loona fashiliyo qorshayaasha ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale xaqiijiyay in hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ay sii socon doonaan, iyadoo la xoojinayo dadaallada lagu sugayo amniga, xasilloonida iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.



