Agaasimaha Guud ee DAD oo Booqday Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa

0

Addis Ababa, Itoobiya – Dr. Cali Sheekh Axmed, Agaasimaha Guud ee Ururka Bariga Afrika ee Cilmi-baarista iyo Horumarinta (DAD), ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Midowga Afrika (AU) ee magaalada Addis Ababa, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.

 

Booqashadan ayaa waxaa fududeeyey Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, iyadoo qeyb ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga gobolka ee dhinacyada cilmi-baarista, horumarinta iyo nabad-dhisidda.

Intii uu ku sugnaa Xarunta Midowga Afrika, Dr. Cali Sheekh Axmed ayaa bogaadiyey kaalinta ay dalalka Afrika iyo hay’adaha qaaraddu ka qaateen taageeridda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, gaar ahaan dadaalladii iyo naf-hurnimadii ay sameeyeen ciidamada iyo howl-wadeennada Afrikaanka ah ee ka qeyb qaatay hawlgallada nabad ilaalinta.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee DAD ayaa xusay dhaxalka taariikhiga ah ee ay reebeen hoggaamiyayaashii Afrika ee hormuudka u ahaa xorriyadda, midnimada iyo dimuqraadiyadda qaaradda. Wuxuu si gaar ah u xusay Madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya, Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde), oo lagu xasuusto hoggaankiisii dimoqraadiga ahaa iyo hirgelinta kala-guur nabadeed oo tusaale u noqday dalal badan oo Afrika ah.

Dr. Cali Sheekh Axmed ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta dalalka Afrika si loo wajaho caqabadaha horumarineed ee wadajirka ah, loona abuuro fursado cusub oo lagu taageerayo koboca dhaqaalaha, waxbarashada iyo cilmi-baarista.

Ururka Bariga Afrika ee Cilmi-baarista iyo Horumarinta (DAD) ayaa mar kale xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta cilmi-baarista, dhiirrigelinta wadahadalka, kobcinta hoggaanka iyo xoojinta iskaashiga gobolka si loo taageero horumar waara iyo Afrika xooggan, nabdoon oo midaysan.May be an image of speakerMay be an image of suit and wingtip shoes

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here