Maraykanka oo ugu baaqay dhinacyada Soomaaliya inay ka fogaadaan wax kasta oo kicin kara rabshado

0

Muqdisho – Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay muujiyaan is-xakameyn, kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta rabshado ama xasilooni darro, xilli ay dalka ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed oo sii kordhaya.

 

Bayaan kooban oo kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Washington ay ku boorinayso dhammaan daneeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay diiradda saaraan wadahadal iyo iskaashi si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida dalka.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, isla markaana ay ka fogaadaan ficillo horseedi kara rabshado ama xasilooni darro,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa ku dhiirrigeliyay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay si buuxda uga go’an tahay wadahadal iyo is-afgarad lagu gaari karo heshiis doorasho oo loo dhan yahay, si looga gudbo marxaladda siyaasadeed ee adag ee uu dalku marayo.

Baaqa Mareykanka ayaa imanaya xilli saaxiibada caalamka ay horay u soo saareen bayaan wadajir ah oo lagu adkeynayo muhiimadda heshiis siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Diblomaasiyiinta reer Galbeedka ayaa marar badan ku celceliyay in wadahadal loo dhan yahay uu yahay furaha lagu yareyn karo xiisadaha siyaasadeed laguna xaqiijin karo xasillooni waarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here