Dagaalka udhexeeya Ciidamada dowlada iyo kuwa Mucaaradka oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho, Soomaaliya – waxaa  iska horimaad hubeysan uu maanta uu ka dhacay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, kaas oo dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda iyo ciidamo ilaalo u aha xubno mucaarad ah.

 

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadaha Barmuudo iyo Siigaale, halkaas oo laga maqlay rasaas xooggan muddo kooban socotay. Wararka ayaa intaas ku daraya in xiisaddu la xiriirtay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo abaabullo  inay ka horreeyaan dibadbax la qorsheynayo inuu ka dhaco Muqdisho maalinta Khamiista.

Waxaa la soo wariyay in dad rayid ah oo ku nool goobaha uu dagaalku ka dhacay ay guryahooda ka baxeen, iyagoo ka cabsi qabay saameynta iska horimaadka. Lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, mana jiraan weli warbixinno rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka.

Xaaladdu ayaa hadda ah mid deggan, iyadoo ay socdaan dadaallo ay wadaan waxgarad iyo odayaal dhaqameed si loo dejiyo xiisadda loogana hortago iska horimaadyo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here