Dagaal Xoogan oo ka Socda Muqdisho iyo Barakac xoogan oo ka bilwday magaalada

0

MUGADISHO, SOOMAALIYA — Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda dagaal xooggan oo geystay khasaare baaxad leh, kaas oo bilowday gelinkii dambe ee shalay, soona gaaray maanta. Dagaalkan ayaa si weyn uga soconaya degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

 

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, iskahorimaadka ayaa hadda ku sii fidaya xaafado ka tirsan degmada Howlwadaag, gaar ahaan aagga ay ku suganyihiin Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin kale oo uu horkacayo Ugaaska Guud ee beesha Murusade. Ciidamada dowladda ayaa la soo sheegayaa inay dagaalka u adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo tan iyo saakayna ay socoto daadgureynta dadka ku dhaawacmay colaadda.

Saameynta ka dhalatay dagaalkan ayaa ku khasabtay boqolaal shacab ah inay ka barakacaan guryahooda, maadaama laga cabsi qabo inuu dagaalku sii daba-dheeraado marka loo eego ciidamada gurmadka ah ee u kala imaanaya dhinacyada is haya. Sidoo kale, waxaa gabi ahaanba istaagay isku-socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana xiran inta badan goobaha ganacsiga oo ay ku jirto Dekedda Weyn ee Magaalada Muqdisho.

DAAWO WARARKII UGU DANBEEYEY DAGAALKA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here