Mucaaradka oo Ka Hadlay Dagaalladii Muqdisho Ka Dhacay

0

Muqdisho – Xildhibaan Abdirahman Abdishakur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen xubno mucaarad ah kaga hadlay xaaladda amni iyo dagaalladii dhawaan ka dhacay Muqdisho.

 

Xildhibaanka ayaa si kulul u dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo Hassan Sheekh Mxamuud, isagoo sheegay in aanay jirin cid awood qabiil ku sheegan karta dalka. Wuxuu yiri, “Nin awood qabiil noo sheegan kara ma jiro, nin kasta dadkiisu ha is difaacaan.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxweynaha inuu cadaadis saarayo siyaasiyiin mucaarad ah, isagoo xusay in tallaabooyinka hadda socda ay ku wajahan yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheikh Ahmed.

DAAWO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here