Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Difaaca

0

Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan magaalada Muqdisho kula yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tababarrada ciidamada iyo taageerada lagu horumarinayo hay’adaha amniga Qaranka Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal, iyadoo la isla gartay doorka uu iskaashigaasi ka qaadan karo horumarinta awoodda iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida dalalkooda, iyagoo muujiyay mowqif wadajir ah oo ku saleysan ixtiraamka madaxbannaanida, wadajirka iyo qarannimada dalalka.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Dowladda Shiinaha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here