WASHINGTON – Hay’adda Dembi-baarista Federaalka Mareykanka (FBI) ayaa ku dhawaaqday abaalmarin lacageed oo dhan ilaa $150,000 oo doolar, taas oo la siin doono qofkii keena xog lagu kalsoonaan karo oo horseedda soo qabashada iyo maxkamadeynta Saciid Cabdullaahi Ereg.
Ereg ayaa loo haystaa inuu ku lug lahaa khiyaano ballaaran oo lagu lunsaday lacagihii loogu talagalay Barnaamijka Nafaqaynta Carruurta ee Dowladda Mareykanka xilligii uu socday cudurka COVID-19.
Sida ay sheegeen masuuliyiinta Mareykanka, shakhsiyaad ku jiray shabakadda musuq-maasuqa lagu eedeeyay, isagoo lacag-dhaqis ku sameeyay malaayiin doolar oo loogu talagalay in lagu daboolo kharashaadka quudinta carruurta tabaaleysan.
FBI-du waxay sheegtay in Ereg uu magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ku lahaa dukaan raashin iyo hilib lagu iibiyo, kaas oo loo adeegsaday musuq-maasuqa barnaamij ay maamuleysay hay’adda Feeding Our Future.
Intii u dhaxeysay April 2020 illaa horaantii 2021, dukaankaas ayaa lagu eedeeyay inuu si been abuur ah u sheegay inuu cunto siiyay in ka badan 1.4 milyan oo carruur ah. Sidaas darteed, waxaa la sheegay inuu ka helay hay’adda Feeding Our Future lacag ka badan $4.2 milyan oo doolar, taas oo lagu sheegay inay ku baxday adeegyo quudin ah oo aan dhab ahaan loo fulin.
Masuuliyiinta FBI-da waxay ku eedeeyeen Ereg inuu inta badan lacagtaas u adeegsaday in isaga iyo qoyskiisa safaro dalxiis ku galaan, isla markaana uu lacago u wareejiyay akoonno dibadda ah oo ay maamulayeen shirkado shisheeye.
Maxkamadda Federaalka ee gobolka Minnesota, fadhigeeduna yahay magaalada Minneapolis, ayaa 24-kii January 2024 soo saartay amar lagu soo xirayo Saciid Cabdullaahi Ereg. Waxaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin khiyaano lacageed iyo dhaqidda lacagaha sharci-darrada ah.
FBI-da ayaa ugu dambeyn ugu baaqday cid kasta oo haysa xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay Saciid inay la xiriiraan hay’adaha amniga, iyadoo la xusuusinayo in xogta horseedda soo qabashadiisa ay ku bixinayso abaalmarinta lacageed oo gaareysa $150,000.
Dhowr qof oo Soomaalida gobolka Minnesota ayaa u xiray kiiskan musuq-maasuqa, iyadoo taasi keentay inuu Trump ku bixiyo amar in la tarxiilo dadka Soomaalida ah.



