Dowladda Soomaaliya iyo UNTMIS oo Ka Wada Hadlay Geeddi-socodka Kala-guurka

0

MUQDISHO – Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar Cali (Balcad), ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday Hawlgalka Kala-guurka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), oo uu hoggaaminayay Kusimaha Madaxa Hawlgalka, Raisedon Zenenga.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray geeddi-socodka kala-guurka ee UNTMIS iyo xaaladda guud ee Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen horumarka laga sameeyay qorshaha kala-guurka iyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Wasiir-Dowlaha ayaa adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta kala-guur ay Soomaalidu hoggaaminayso, kaas oo lagu xoojinayo hay’adaha dowladda, laguna dardargelinayo nabadda, dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta awoodaha qaranka.

Dhankiisa, Kusimaha Madaxa Hawlgalka UNTMIS, Raisedon Zenenga, ayaa muujiyay sida Qaramada Midoobay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga dhow ee lagu taageerayo mudnaanta qaranka Soomaaliya iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee dalka.May be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here