Soomaaliya iyo Masar oo Adkeeyay Xiriirka Istaraatiijiga ah iyo Iskaashiga Labada Dal

0

MUQDISHO – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta ee dalka Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika Maxamed Kariim Fu’aad Shariif.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, hirgelinta iyo horumarinta heshiisyada jira, iyo kor u qaadista iskaashiga dhinacyada ay labada waddan danaha wadaagga ah ka leeyihiin.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar.May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, newsroom and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here