AUSSOM oo Shir Amni ku Qabatay Beledweyne, Ciidamo Cusub oo Ghanaan Ahna La Soo Dhaweeyay

0

BELEDWEYNE – Hoggaanka Qaybta 4-aad ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa magaalada Beledweyne ku qabtay shir lagu qiimeynayay xaaladda amniga iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo dhinacyada ay khuseyso.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista horumarrada laga gaaray dhinaca amniga, kor u qaadista wadaagga xogta iyo macluumaadka, iyo dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo badqabka bulshada deegaanka.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay cutubka cusub ee Ciidanka Booliska Ghana (GFPU-5), kuwaas oo dhawaan loo soo daabulay magaalada Beledweyne si ay uga qayb qaataan howlaha taageerada amniga, tababarrada iyo la-talinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiintii ka qayb gashay kulanka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee u dhexeeya ciidamada amniga, maamulka deegaanka iyo saaxiibbada caalamiga ah si loo sii xoojiyo amniga gobolka.

Kulanka waxaa ka qayb galay Taliyaha Qaybta 4-aad ee AUSSOM, Col. Cabdiraxmaan Rayaale, Taliye Ku-xigeenka Qaybta 4-aad Gen. Shumet Telelew, Taliyaha Guutada 13-aad ee Jabuuti Gaashaanle Dhexe Axmed Aadan Cabdullaahi, Taliyaha Ciidanka GFPU-5 ASP Godwin Amedzo, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee degmada Beledweyne Col. Cabdullaahi Maxamuud Siyaad.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here