DHUUSAMAREEB – Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa hada gaaray Degmadda Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaas oo dhawaan lagu wado in ay ka bilowdaan Doorashooyinka qof iyo codka ah ee Dowladda Federaalku wado.
Ilo xog-ogaal ah ayaa Shabelle u sheegay in Safarka Taliye Mahad Salaad uu ku qotomo dhexdhexaadinta Hogaanka Galmudug iyo Dowladda Federaalka oo haatan ku kala fog aragtida Doorashadda la rabo in ay ka dhacdo Maamulkaasi.
Safarka Mahad Salaad ayaa sidoo kale kusoo aadaya xili dhawaan warar soo baxayey ay sheegayeen in Musharaxnimadiisii Galmudug uu ka tanaasulay.




