New York / Khartoum – Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan, Pekka Haavisto, ayaa ugu baaqay ciidamada gurmadka degdegga ah ee RSF inay si degdeg ah u yareeyaan xiisadda ka taagan magaalada El-Obeid, caasimadda gobolka Waqooyiga Kordofan, si looga hortago in xaaladda amni iyo tan bini’aadantinimo ay sii xumaato.
Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, ayaa sheegay in Haavisto uu khadka taleefanka kula hadlay taliyaha RSF, Jeneraal Mohamed Hamdan Dagalo (Hemedti), isagoo uga digay khatarta ka dhalan karta dagaallo cusub oo ka dhaca magaalada.
“Ergeyga gaarka ah wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo dejinta xaaladda El-Obeid iyo in laga fogaado tallaabo kasta oo sii hurin karta colaadda, taasoo halis gelin karta nolosha dadka rayidka ah isla markaana sii xumeyn karta xaaladda bini’aadantinimo ee horeyba u liidatay,” ayuu yiri Dujarric.
Haavisto ayaa sidoo kale ku booriyay dhinacyada isku haya dagaalka inay xoogga saaraan wada-hadallada siyaasadeed iyo dadaallada lagu soo afjarayo colaadda muddada dheer ka socota dalka Suudaan.
Wadahadallada ayaa sidoo kale taabtay horumarrada siyaasadeed ee ugu dambeeyay, oo ay ku jiraan kulamo ay fududeeyeen dalalka loo yaqaan Quintet iyo daneeyayaasha rayidka ah ee Suudaan oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.
Qaramada Midoobay ayaa mar kale ku celisay baaqii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ee ahaa in dhammaan dhinacyadu muujiyaan is-xakameyn, isla markaana ay ilaaliyaan dadka rayidka ah.
“Waa inaanan oggolaan in musiibadii bani’aadantinimo ee ka dhacday Al-Fasher ay dib uga dhacdo El-Obeid,” ayuu yiri Dujarric.
Suudaan ayaa tan iyo bishii Abriil 2023 wajahaysay dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo RSF, kaasoo ka dhashay khilaaf ku saabsan qorshe lagu doonayay in ciidamada RSF lagu daro ciidanka qaranka. Colaaddaasi waxay sababtay mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu daran dunida, iyadoo lagu qiyaaso in tobannaan kun oo qof ay ku dhinteen, halka ku dhawaad 13 milyan oo qof ay ku barakaceen gudaha iyo dibadda dalka.
Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ayaa sii wada dadaallada lagu doonayo xabbad-joojin waarta iyo xal siyaasadeed oo lagu soo afjaro colaadda Suudaan.




