NAIROBI – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 2-aad ee Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika ee Xallinta Khilaafaadka Beddelka ah (Alternative Dispute Resolution – ADR), kaas oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Shirkan heerka sare ah, ayaa waxaa isugu yimid Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare, madaxda hay’adaha garsoorka iyo khubaro ka kala socday dalalka Afrika, si ay uga wada hadlaan horumarinta nidaamyada caddaaladda, kor u qaadista adeegyada garsoorka iyo xoojinta adeegsiga hababka ADR-ka ee lagu xalliyo khilaafaadka.
Madasha ayaa si rasmi ah waxaa u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, William Ruto, oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo hababka casriga ah ee xalinta khilaafaadka si loo dardargeliyo helitaanka caddaaladda, loo yareeyo culayska maxkamadaha, loona taageero horumarka waara ee qaaradda Afrika.
Guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed ayaa kulammada shirweynaha ka jeediyey aragtiyo la xiriira horumarinta garsoorka Soomaaliya, kobcinta adeegyada caddaaladda iyo muhiimadda ay leedahay iskaashiga garsoor ee dalalka Afrika. Sidoo kale wuxuu la kulmay dhiggiisa dalalka kale si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga khibradaha la xiriira maamulka cadaaladda iyo adeegsiga ADR-ka.





