Farmaajo oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Toddobaadka Xorriyadda

0

Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda 26-ka Juun iyo Toddobaadka Xorriyadda Soomaaliyeed.

 

Qoraal uu soo saaray, Farmaajo ayaa sheegay in 26-ka Juun ay tahay maalin taariikhi ah oo lagu xasuusto xorriyaddii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya sanadkii 1960-kii, taas oo uu ku tilmaamay saldhigii halgankii gobannimo-doonka iyo himiladii mideynta ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynihii hore ayaa xusay in xuska sanadkan uu ku soo beegmayo xilli dalka uu wajahayo caqabado ay ka mid yihiin colaado, khilaafaad siyaasadeed iyo xaalado amni oo, sida uu sheegay, khatar ku ah midnimada, wadajirka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay si weyn u xusaan Toddobaadka Xorriyadda, isla markaana ay xoojiyaan wacyiga waddaniyadeed, ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta qaranimada, nabadda iyo himilooyinkii ay u soo halgameen halyeeyadii gobannimo-doonka Soomaaliyeed.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here