Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Beledweyne uga qeyb galay xuska 49-aad ee madaxbannaanida Jabuuti

0

Beledweyne – Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan uga qeyb galay xuska iyo dabaal-degga munaasabadda 49-aad ee maalinta madax-bannaanida Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

Wasiir Fiqi ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti, munaasabadda qaran ee xuska maalinta xorriyadda, isagoo tilmaamay in xiriirka labada dal uu ku saleysan yahay walaaltinimo iyo iskaashi taariikhi ah oo dhinacyo badan leh.

Wasiirka ayaa yiri: “Jabuuti dowlad aan xuduud juqraafi leenahay kaliya ma aha. Waxaa naga dhaxeeya Diin, dhiig iyo dhaqan.”

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Hiil Walaal ee Jabuuti ee qeybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya inay kaalin libaax leh ka qaateen dib u soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Cali Xagaa; Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya, Mudane Cismaan Dubbad; qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka, iyo masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.May be an image of one or more people, dais and text that says "66 ሥል y AMC ニ 2 POLIC ฺบ"May be an image of one or more people, dais and text that says "UA"May be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here