Baladweyne – Ciidanka Macawiisleey Xawaadle ee ku sugan Baladweyne ayaa dhaqdhaqaaqyo Ciidan ka wada Magaaladaasi oo uu ku sugan yahay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi.
Dhaqdhaqaaqyadaan ay Ciidanku wadaan ayaa ka dhashay kadib markii uu Hadal Hanjabaad dil u muuqday uu Wasiir Fiqi oo ku sugan Baladweyne u jeediyey Taliyihii hore ee NISA Sanbaloolshe oo Deegaankaas kasoo jeeda.
Macawiisleyda oo ka careysan in Fiqi uu Xildhibaan Sanbaloolshe u Hanjabo isagoo ku sugan Deegaan doorashadiisa ayaa la sheegay in ay suurtagal tahay Garoonka diyaaradaha in ay la wareegaan inta uusan kasoo dhoofin Wasiir Fiqi.
Wasiir Fiqi ayaa maanta Baladweyne gaaray si uu uga qeyb galo Xuska Xoriyadii Jabuuti oo Ciidankeeda ka jooga Soomaaliya ay ku dhigeen Baladweyne.




