RIYADH – Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay in Axaddii shalay ay xukun dil ah oo toogasho ah ku fulisay saddex muwaadin oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu helay dambi la xiriira inay si sharci darro ah dalka u geliyeen maandooriyaha xashiishka, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA).
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in Axmed Aadan Cabdi Ibraahim, Axmed Maxamuud Ismaaciil Cabdiraxmaan, iyo Maxamuud Cabdiraxmaan Ibraahim Xasan, oo dhammaantood ah muwaadiniin Soomaali ah, lagu daldalay xabsi ku yaalla gobolka Najran, oo ay ku jireen 45 maxbuus oo Soomaali ah.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen eedeysaneyaasha Soomaalida ah, isla markaana baaritaan kaddib loo gudbiyay maxkamadda madani ah, taasoo xukun dil ah ku riday xiliyo kala duwan.
Ehellada maxaabiistan ayaa sheegay in dhalinyaradan, oo qaarkood tahriib ku galay Sacuudiga iyagoo sii maray Yemen, lagu khiyaameeyay inay maandooriye geliyaan dalka Sacuudiga.
Sida bayaanka lagu sheegay, xukunka waxaa ansixiyay Maxkamadda Racfaanka iyo Maxkamadda Sare, waxaana ugu dambeyn soo baxay amar boqortooyo oo lagu fulinayo.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in dowladda Sacuudi Carabiya ay sii wadi doonto la dagaallanka ka ganacsiga iyo tahriibinta maandooriyaha, iyadoo digniin u dirtay cid kasta oo ku lug yeelata falalkaas, islamarkaana sheegtay in ciqaabta sharcigu ay noqon doonto mid adag.
Warbixin ay soo saartay Amnesty International ayaa sheegtay in Sacuudiga ay fuliyay ku dhowaad 100 xukun oo dil ah tan iyo billowgii sanadkan, kuwaasoo ay ku jiraan in ka badan 10 Soomaali ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in xilliyadii hore ee tirakoobyada ugu sarreeyay, gaar ahaan sanadkii 2025, ay jireen ilaa 39 muwaadin oo Soomaali ah oo lagu fuliyay xukun dil ah, kaddib markii lagu helay dambiyo la xiriira tahriibinta ama ka ganacsiga maandooriyaha.
Hay’adda Amnesty International ayaa marar badan ku baaqday in Sacuudi Carabiya ay joojiso adeegsiga xukunka dilka, gaar ahaan kiisaska la xiriira dambiyada maandooriyaha, iyadoo ku tilmaantay arrintaas mid ka hor imaanaysa isbeddellada caalamiga ah ee lagu dhimayo adeegsiga ciqaabta dilka.




