Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay munaasabadda Calan-saarka Habeenka 1-da Luulyo

0

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka Habeenka 1-da Luulyo, oo lagu xusay sannad-guurada 66-aad ee xorriyaddii Gobollada Koonfureed iyo midowgii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur ee dhidibada u taagay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabaddan taariikhiga ah, isagoo xusay in 1-da Luulyo ay astaan u tahay halgankii gobannimo-doonka, midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo yagleeliddii dowladnimada dalka.

Markii saacaddu ku beegneyd 12:00 habeenimo, cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si maamuus iyo sharaf leh u taagay Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo xusay 66 sano guuradii ka soo wareegtay markii calanka Soomaaliyeed si rasmi ah looga taagay magaalada Muqdisho.

Khudbaddiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay in jiilka maanta uu mas’uul ka yahay sii ambaqaadidda himiladii halyeeyadii u soo halgamay xorriyadda iyo mideynta dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay sii xoojiyaan wadajirka, nabadda iyo dadaallada lagu dhisayo Soomaaliya ammaan ah, mideysan oo horumarsan, si loo ilaaliyo dhaxalka qaran ee ay ka tageen halgamayaashii gobannimada.May be an image of dais and textMay be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here