Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, ayaa maanta soo xiray tababar muddo saddex maalmood ah socday oo ku saabsanaa isgaarsiinta sharciga iyo istiraatiijiyadda, kaas oo loo qabtay diblomaasiyiin Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Tababarka ayaa waxaa soo qabanqaabisay hay’adda Med-Or Foundation oo kaashaneysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaana munaasabadda xiritaanka ka qeyb galay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Pier Mario Dackò Coppi.
Wasiir Cabdisalaan Cali ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga iyo Med-Or Foundation taageerada ay ku bixiyaan horumarinta awoodda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, isagoo xusay in tababarku ka qeybgalayaasha ku qalabeeyay aqoon iyo xirfado muhiim u ah horumarinta siyaasadda arrimaha dibadda iyo difaaca danaha qaranka.
Dhankiisa, Safiirka Talyaaniga, Pier Mario Dackò Coppi, ayaa adkeeyay xiriirka dhow ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, isaga oo bogaadiyay iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay dhismaha adeeg diblomaasiyadeed oo casri ah, karti iyo xirfad sare leh, si kor loogu qaado matalaadda Soomaaliya ee caalamka. 




